Lamaane is qabay oo iska soo tuuray dhismo aad u dheer iyo sababta oo layaab leh (Sawirro)

Lamaane u dhashay dalka Mareekanka ayaa waxa ay iska soo tuureen dhismo dheer oo ay ka joogeen biyaanada 9aad taasoo ku taalo magaalada Newyork .

Dhacdadaan oo ahayd saakay waqtigu markuu ahaa 5:45am; waxa ayna ka dhacday Madison Avenue wadada 33-aad ee Nawaaxiga dhismaha lagu magacaabo Boqortooyada.

 

Lamaanahan naftooda haligay ayaa waxa ay ka cabanayeen dhaqaale la’aan iyo daryeel la’aan caafimaad oo soo wajahday waxayna sheegayeen in ay dhibaatooyin caafimaad ay qabaan isla markaana aysan heysan wax daryeel caafimaad ah.

Lamaanahan ayaa la sheegay in lagu lahaa deymo badan kuwaas oo u diiday in ay horumarto Noloshooda taasoo ay Maxkamada Federalku ka war heysay in Familkan lagu leeyahay deymo badan.

Kiiskan ayaa waxaa daba gal badan ku sameeyay waxna ka qoray wargeysyada New York Times iyo Dailly Mail waxaana idiin soo Turjumay warbaahinta Goobsan.

Lamaanahan ayaa waxa ay sameeyeen Qoraal jeebadooda laga helay kaasoo xasuus reebay kaasoo u qornaa sidatan ” Waxan leenahay Nolol Cajiib ah”

Sidoo kale waxa jiray Qoraalo kale oo ayagana ka ilmeysiiyay dadkii akhriyay kaasoo asna u qornaa sidatan  “Fadlan Caruurteena daryeel hala siiyo waxay saaranyihiin qaybta kore”.

Labadan qof ee is dilay ayaa la aqoonsaday Magacyadooda kadib markii la eegay Kaararkooda aqoonsiga waxaana lagu magacaabaa Ninka Chiropractor Glenn Scarpelli waana 53, jir halka xaaskiisana lagu magacaabo Patricia, waana 50, dhibanayaashan ayaa waxa ay ka tageen wiil iyo gabar lagu kala magacaabo Isabella oo ah gabarta waana 20, halka  Joseph oo wiilka ah uu jiro 19.