Lacag dhan 30 Kun Dollar oo la siinayo cidii soo sheegtaa xog ku saabsan Qaraxii ka dhacay…..

Hay’adda FBI-da ee dambi-baarista Maraykanka ayaa ku dhawaaqday abaalmarin lacageed oo dhan 30 kun oo dollar oo la siin doono cidda soo sheegta dadkii ka dambeeyey weerarkii qaraxa ahaa ee loo gaystay masaajidka Daarul Faaruuq ee magaalada Bloomington ee Gobolka Minnesota.

Weerarkaas ayaa dhacay laba toddobaad ka hor, ilaa haatan cid looma qaban.

Ururrada islaamka ayaa iyaguna ballanqaaday 24kun oo doolar.

Dadka Musliimta ah ee dalka Mareykanka oo ay Soomaalidu ka mid yihiin ayaa Cabsi xooggan ka muujiyay falkaasi.

Aqalka Cad ayaa sidoo kale sheegay in ay tahay in wax laga xumaado in la weeraro goob cibaado.

Masjidka la weeraray ayaa waxaa ku badan dadka Muslimiinta ah gaar ahaan dadka Soomaaliyeed .

Tan iyo Markii la doortay Madaxweyne Donald Trump waxaa kordhay tacadiyadda iyo Weerarada loo geysanaayo dadka Muslimiinta ah ee kunool Gudaha dalka Mareykanka.