Labo wiil oo soomaali ah oo lagu dilay magaalada Toronto dalka Canada

Sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Canada waxaa Magaalada Toronto  lagu dilay labo Wiil oo Soomaaliyeed.

Ciidamada Booliska dalka Canada ayaa wadda howlgallo kala duwan oo ay ku baadigoobayaan Kooxihii ka dambeeyay dilka Wiilashaasi Soomaaliyeed.

Labadda Wiil ee Soomaaliyeed ayaa la sheegay in midba meel gaar ah lagu dilay , waxaana dilkaasi geystay Kooxo hubeysan.

Wiilasha la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Saciid Cabdi Baari iyo Daa’uud Cabdullaahi Cosoble.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool dalka Canada ayaa ka codsaday dowladda in gacanta lagu soo dhigo kooxihii ka dambeeyay falkaasi lagu dilay Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Sarkaal Sare oo ka tirsan Ciidamada Booliska dalka Canada oo la hadlay warbaahinta dalkaasi ayaa waxaa uu sheegay in ciidamadu ay waddaan baaritaano , islamarkaana ay baadigoobayaan nin wajiga soo xirtay oo falkaasi ka dambeeyay.

Sanadyadii lasoo dhaafay ayaa waxaa kordhay dilalka dalka Canada loogu geysanaayo dhalinyaradda Soomaaliyeed, waxaana dhalinyaradda dalkaasi lagu dilay ay kor u dhaafayaan 200.

Cabsi ayaa soo wajahday dadka Soomaaliyeed ee Canada kunool Maadaama ay soo baxeen Kooxo u gaarsanaya.