Laba Qarax oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

inta la xaqiijiyey Lix qof ayaa ku geeriyootay tiro intaas ka bandanna waa ay ku dhaawacmeen, laba qarax oo baabuur oo siyaabo kala duwan maanta uga dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Mid ka mid ah qaraxyada oo loo adeegsaday baabuur ayaa ka dhacay albaabka hore ee Hotel Wehliye, oo ku yaalla waddada mashquulka badan ee Maka al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaas ku dhintayo shan qof.

Taliyaha ciidamada booliiska ee qeybta Waliyow Cadde, gaashaanle sare Maxamed Daahir ayaa  ayaa warbaahinta usheegay in qaraxa loo adeegsaday gaari nooca Noha looga yaqaan magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, qarax labaad oo loo adeegsaday baabuur nooca rakaabka ee Hoomey looga yaqaan Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay hal askari oo ka tirsan ciidamada dowladda, halka saddex qof oo kalena ay ku dhaawcameen.

Qaraxan ayaa ka dhacay meel ku dhow xero ciidamada lagu tababaro oo lagu magacaabo xero Nacnac, kuna taalla degmada Wadajir.

©Goobsan  Media