Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Carte Qaalib – oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa – wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiintii ugu magaca dheeraa ee soo maray Soomaaliya.
Saameynta uu siyaasadda ku lahaa waxay kasoo billaabatay xilligii uu gumeystaha heystay Soomaaliya, wuxuuna kaalmo muhiim ah kasoo ciyaaray dowladihii jiray ilaa burburkii Soomaaliya kaddib.
Kaddib markii uu in muddo ah xanuunsanaa ayuu ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Hargeysa, isagoo ay da’diisu ahayd qiyaastii 90 sano.
Waxaa isagoo taraya tacsida ay siyaasiyiinta Soomaalida u dirayaan eheladii iyo umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay rug-caddaagaas siyaasadeed.
Haddaba kumuu ahaa Cumar Carte Qaalib?
Cumar wuxuu sanadkii 1930-kii ku dhashay magaalada Hargeysa. Waxbarashadiisa aasaasiga ah wuxuu ku qaatay isla haegeysa, markii uu waxbarashadiisa sare kusoo qaatay waddanka UK kaddibna wuxuu muddo dheer macallin ka ahaa dugsiyada dalkiisa hooyo.
Markii ay Soomaaliya xorriyadda ka qaadaneysay gumeystayaasha wuxuu ku jiray siyaasiyiintii ugu firfircoonaa waddanka.
Dowladdii kacaanka ee uu hoggaaminayay madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ayuu sanadkii 1969-kii ka noqday wasiirkii Arrimaha Dibadda.
Bishii January ee 1991-kiina isla Siyaad Barre ayaa u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Xilkaas ayaa mar kale loo cusbooneysiiyay markii la aasaasay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Cali Mahdi Maxamed, isagoo Ra’iisul Wasaare ahaa ilaa sanadkii 1993-kii.
‘Waa ninkii u babac dhigay dowladda Itoobiya isagoo kaligii ah’
Cumar Carte waxa uu muddo dheer ahaa Safiirkii Soomaaliya ee dalka Itoobiya.
Danjire Cabdullaahi Axmed Adan Congo, oo qunsulka Itoobiya ahaa markii uu safiirka ahaa Cumar Carte, ayaa BBC-da u sheegay in marxuumka uu shaqooyin badan usoo qabtay qaranka Soomaaliya.
“Cumar wuxuu ahaa nin ku dhaggan waddaniyaddiisa iyo muslimnimadiisa labadaba, wuxuuna ahaa ninka qudha ee laga yaabo qaddiyadda Soomaaliyeed u diyaar ah isagoo laga yaabo in lagu toogto, oo aan ka baqanin,” ayuu yidhi Danjire Cabdullaahi Congo.
Sidoo kale, wuxuu sharraxayaa sida uu u wajahay boqrkii Itoobiya, xilligii uu safiirka ahaa.
“Waa kii aan la shaqeynayay ee aan qunsulka ugu ahaa Itoobiya, wuxuu Cumar u babac dhigay dowladda Itoobiya isagoo kaligii ah. Waa ninka qudha ee diiday inuu u sujuudo Xeyla Salaase. Marka uu Danjire walba qaabilayo waa inuu saddex jeer u sujuudaa oo markaasna uu dib u noqdo, laakiin isagu wuxuu yidhi, ‘taasi ma dhaceyso, anigu Alle waxaan ahayn u sujuudi maayo’, sidaasoo kale ayuu qaddiyadda Soomaalidana ugu adkaa.”
Sida uu Cabdullaahi Congo sheegay, Cumar Carte Qaalib wuxuu ahaa ku xigeenka madaxa gobolka markii uu Waqooyiga Soomaaliya heystay gumeystihii Ingiriiska.
“Markii Waddanka la isku daray wuxuu noqday safiirka Addis Ababa, muddo dheer ayuu ahaa safiirka, kaddibna wuxuu wasiirka Arrimaha Dibadda ka noqday dowladdii Maxamed Siyaad Barre, xilkaasna muddo dheer ayuu hayay. Markii dambe ee ay Soomaalida kala daadatayna waa kii ka dhoofay waddanka.”
Hase yeeshee inta uusan dibadda aadin ka hor waxa uu xil siyaasadeed uga tartamay dhinaca Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, sida uu sheegayo Cabdullaahi Congo.
“Burburkii kaddib inta uusan waddanka ka dhoofin wuxuu isu sharraxay madaxweynenimada Somaliland, laakiin waxaa ka helay ina Cigaal, intaas kaddibna wuxuu iska tagay Sacuudiga.”
Sida uu danjira BBC-da u sheegay, waxyaabihii ugu waaweynaa ee lagu xasuusan jiray Cumar Carte Qaalib waxaa ka mid ah inuu aftahan ahaa, dalalka Carabtuna ay si weyn u qaddarin jireen.
Wuxuu door muhiim ah ka qaatay dadaalkii ay Soomaaliya ugu biirtay Ururka Jaamacadda Carabta.
Xigasho: BBC Somali.com