Xildhibaanada Baarlamaanka Uganda ayaa maanta isku khilaafay Mooshin laga keenay sharciga xadidaya da’ada musharaxa Madaxweynaha dalka Uganda.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in xildhibaanada ay ka xanaaqeen kadib markii la sheegay in mid kamid ah xildhibaanada baarlamaanka oo ka mid ah taageerayaasha Madaxweyne Museveni uu la soo galay hub gudaha xarunta baarlamaanka.
Afhayeenka baarlamaanka ayaa amray in la baaro balse wax hub ah waa laga waayay gudaha hoolka shirka sida ay saxafiyiin halkaa ku sugnaa ay sheegeen.
Khilaafka ka dhex dhashay xildhibaanada Baarlamaanka ayaa qaatay muddo labaatan daqiiqo ah in lagu qaboojiyo, hase yeeshee xildhibaanada mucaaradka oo madaxa ku soo xirtey calaamado cas-cas ayaa diiday in laga doodo mooshinka iyagoo ku luqeynayay heeso wadani ah iyo astaanta calanka dalka Uganda.
Guddoomiyaha baarlamaanka Uganda ayaa markii dambe go’aamiyay in dib loo dhigo dooda mooshinka la keenay.
Arrinta ku saabsan da’ada Madaxweynaha wadanka Uganda ayaa noqotay mid muddo dheer soo jiitamaysay, iyadoo Madaxweyne Musaveni oo 73 sano jir ah sharciga dalka Ugandana uu dhigayo in da’ada Madaxweynaha inaysan ka weynaan 75 sano jir. Balse Mooshin la horkeenay Baarlamaanka Uganda ayaa lagu doonayay in lagu baabi’iyo guud ahaanba xadka loo sameeyay musharaxa Madaxweynaha dalka Uganda.
Haddii sharcigan sida uu hadda yahay loo daayo Madaxweynaha dalka Uganda Museveni ayaan markiisii afaraad isu soo taagi karin xilka madaxweynaha doorashada la qorsheeyay in ay dhacdo 2021.
Xisbiga talada haya ee NRM ayaa doonaya in dib loo eego dastuurka dalka Uganda waxna laga bedelo sharciga xadeynaya da’ada musharaxa madaxweynaha. Hase yeeshee waxa uu xisbiga NRM uu ku guuleystey sanadkii 2005 in la baabi’iyo sharci xadeynayay musharax madaxtinimada in labo jeer kabadan uusan isku soo sharaxi karin.