Ku dhwaad 2,000 oo muhaajiriin ay Somali ku jiraan oo laga badbaadiyay xeebaha Mediterranean.

Ku dhawaad 2,000  oo muhaajiriin u badan Soomaali iyo Eritrea ayaa laga badbaadiyay  xeebaha wadanka Italy habeennimadii Jimcahii la soo dhaafay,

Dadkan oo ku safrayay dooni nooca ay adeegsadaan tahriibayaasha ayaa markii ay soo gaareen badweynta Mediterranean ay mar qura dagtay doontii ay la socdeen. Waxaana markiiba ka war helay ciidamada ilaalada xeebaha Italy oo u gurmaday isla markaana soo badbaadshay,

Muhaajiriinta ayaa hada ku jira xero qaxootiga oo ku taala koonfurta Sicily. Iyadoo qaar ka mid ah ay la ildaran yihiin diiftii ka soo gaartay safarkii dheer oo ay soo galeen aawadeed. Waxaana lala tacaalayaa xalaadooda caafimaad.

Afhayeen u hadlay ilaalada xeebaha Taliyaaniga ayaa sheegay in nin Somali ah oo ka mid ahaa dadka la soo badbaadiyay uu ku geeriyooday markabka dushiisa.

©Goobsan Media