Kooxda Daacish oo si Buuxda Looga Saaray Mosul (SAWIRRO)

Kooxda Daacish ayaa si buuxda looga saaray magaalada Mosul oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ciraaq, kaddib dagaalo iyo duqeymo bilooyin ka socday.

Ciidamada Ciraaq ayaa bilaabay inay ku dabaal degaan waddooyinka, kaddib markii ay soo afjareen dagaalkii u dambeeyay ee Daacish looga saaray qeybtii u dambeysay ee ay kaga sugnaayeen Mosul.

Warbaahinta Ciraaq ayaa sheegeysa in ciidamada Ciraaq ay ku guuleystaan in magaalada ka sifeeyaan Kooxda Daacish oo magaaladaas qabsatay sanadkii 2014-tii.

Dagaaladii cuslaa iyo duqeymo ay geysanayeen diyaardaha dagaalka ee xulafada uu hoggaaminayay Mareykanka ayaa bur bur lixaad leh u geystay magaalada, iyadoo ay bur bureen dhamaan dhismayaashii.

Waa magaaladii u dambeysay ee Daacish ka heysteen Ciraaq, waxayna tani soo afjareysa dhaq dhaqaaqoodii dalkaas, hase ahaatee wali waxaa ay ku xooggan yihiin qeybo ka mid ah iyo gudaha dalka Suuriya oo deris la ah Ciraaq.