Kenyan si sharci darro ah ku joogay dalka Somalia oo maanta laga tarxiilay (sawiro)

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaliya  ayaa manta dalka ka masaafirisay labo nin oo Kenyan ah oo dalka sharci daro ku joogay kuna shaqeysanayay.

Labadan nin oo maanta dib loogu celiye dalkoodi kenya ayaa waxaa in muddo ah baaritaan ku waday hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha.

sidoo kale waxaa lagu wargaliyay muwaadiniintan reer kenya ah inaysan Somalia dib ugu soo noqon karin, hay’addu waxay baaq u dirtay shaqaalaha ku howlan arintan inay ka foojignaadaan dadka wadanka sharci darada kusoo  galaya.