Kenya oo uga digtay Shacabka waxyeelada Gantaalada Waaweyn ee loo adeegsan doono Xarumaha Shabaab

Militriga dalka Kenya ayaa ku wergeliyay dadka ku nool keymaha Boni ee ku dhirirsan xeebaha dalka Kenya in ay isaga baxaan muddo 48 saac gudahooda iyadoo la qorsheynayo in bambaanooyin culus lagu garaaco keymahaasi oo la rumeesan yahay in ay ku dhuumaaleesanayan dagaalyahada Xarakada Al shabaaab.

Amarkaan waxaa aqriyay madaxa howlgalka Linda Boni Joseph Kanyiri waxaana uu ku booriyay dadka deegaanka ee halkaasi ku nool in keymaha ay ka fogaadaan.

“Waxaan jecelnahay iney dadku ka fogaadaan keenta waa qeyb kamid ah howlgalkeena ma dooneyno in qof kale ay waxyeelo ka soo gaarto duqeymaha aan la beegsaneeno Al-shabaab waxeynu idiin siinay 48-saacadood in aad adinka iyo xawaaankiina ugu baxsataan”, sidaas ayuu ku yiri shir jaraaid uu  magaalo xeebeedka Mombasa uu ku qabtay  madaxa howlgalka Linda Boni Joseph Kanyiri.

Digniintaan cusub ayaa ku soo beegmeysa xili Al-shabaab weeraro kala duwan ay ka geestaan deegaanadaasi labadii bilood ee la soo dhaafay oo ugu yaraan 20 kamid ah police-ka Kenya ay ku dhinteen iyo fulinta miinooyin dhulka lagu aaso.
Keenta Boni ayaa dhacda xadka Kenya iyo soomaaliya ay wadaagaan.