Kenya oo gacanta ku dhigtay walxaha qarxa iyo Raggii watay (Sawiro)

Waxaa Maalinimadii axada ahayd gacanta lagu soo dhigay rag diyaarinayay walxaha qarxa ragaan oo tiradoodu ay ahayd 6 qofood ayaa qorsheynayay in ay weeraraan gudaha Kenya.

Ragaan ayaa lagu qabtay howl gal balaaran oo ay iska kaashadeen Ciidanka Sirdoonka Soomaaliyeed iyo kuwa Kenya.

Lixdaan  nin ee la qabtay waxaa ku jiray  labo nin oo  kenyaan  kuwaasi oo qorsheynaayay in ay weeraro xooggan ka geystaan Gudaha Kenya sidaasi waxaa war qoraal ah ku yiri taliyaha Ciidamada booliska Kenya Joseph Boinett.

Howgalkaan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Bulla Xaawo iyo sidoo kale Mandera.
Boinett, ayaa sheegay in Abdulahi Daud Adan iyo Ismail Issack  oo labaduba kasoo jeeda Mandera  la rumaysan yahay in ay hogaaminaayeen weerarkaan lagu qaadi rabay Kenya.

Halka afarta kala ee Soomaalida  ah ay kala yihiin Mohammed Ali Weythow, Xassan Aadan Bulle, Xassan Maxamed Jaamac iyo Axmed Muhhamed Muse.

Boinett, ayaa intaa hadalkiisa waxa uu kusii daray in raggaan ay wateen waxyaabaha Qarxa.

Waxa uu sheegay in dhammaan lixdooda hadda ay baaritaano dheer ay ku haayaan ciidamada,islamarkaana dhawaan lasoo taagi doono Maxkamad ku taalla dalka Kenya.