Kenya: Nin Soomaali ah oo mudo la baadi goobayay oo gacanta lagu dhigay

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay nin mudo dheer ay  baadi goob ugu jireen, kaasoo ku eedaysnaa inuu xiriir fog la lahaa Urur-ka Al-Shabaab,

Ninkan oo lagu magacaabaa Cali Xuseen Cali ayaa dowladda Kenya ku Sheegtay in uu xariir la leeyahay Abdi Maxamed Yuusuf oo horay boolisku ku sheegeen in uu la shaqeeyo Al-shabaab,

Abdi Maxamed Yuusuf iyo Cali Xuseen Cali  oo hadda ku wada xiran xabsi loogu talagalay dadka ku eedaysan falalka Argagaxiso ayaa la filayaa in dhawaan ay ka soo hor muuqdaan maxkamada kenya.

Hay’adaha amaanka ayaa labadan muwaadin si gooni ah ugu eedeeyay inay door muuqda ka ciyaarayay askareynta dhalinyaro badan oo Kenyan iyo Soomaaliya ah si ay ugu biiraan kooxda Daacish, iyadoo loo fududeenayo in ay tagaan dalka Liibiya si ay uga sii gudbaan wadamadda Qaarada Yurub.

©Goobsan Media