Jens Ronde: Masaafurinta Qaxootiga Soomaaliyeed Wuxuu Dhabar Jab ku noqon doonaa Dowlada Danmark.

Jens Ronde oo ah xildhibaan katirsan golaha baarlamaanka ee midowga Yurub ayaa eedayn dusha kaga tuuray Dowlada Denmark  kadib markii ay soo shaac baxday in Denmark ay dalkeeda dib uga celin doonto qoys soomaaliyeed oo ka kooban 7 qofood oo ay ku jiraan caruur ku dhashay dalkaas,

Qoyskan Soomaaliyeed Oo dhawaan lagu wargeliyay in lagala laabtay sharcigii ay ku joogeen dalkaas isla markaasna lagu wargeliyay in 13- March wixii ka danbeeyay aysan xaq u lahayn inay sii joogaan Denmark,

Aabaha Qoyskan oo lagu magacaabo Saciid Cabdulaahi Ayaa Waraysi uu siiyay Tv midtvest ku sheegay inuu walaac xoogan ka qaban arintaas ayna adag  tahay inuu xiligan ku laabto Soomaaliya,

Xildhibaan Jens Ronde ayaa sheegay inuu Said iyo qoyskiisa ka caawin doono in kiiskoda uu ugudbiyo Maxkamada xuquuqul insaanka ee Yurub uuna hubo in uu ku guuleysan doono. Isla markaana ay dhabar jab ku noqon doonto xukuumada talada dalkaas haysa,

Sidoo kale Jens Ronde sheegay in xaalada amaan ee Soomaaliya aysan aheyn mid la isku haleyn karo, isla markaana aysan haboonayn in qof na lagu qasbo in lagu celiyo xiligan,

Dowlada Denmark ayaa dhagaha ka furaysatay baaqa ka ka soo baxaya hay’adaha iyo shaqsiyaadka u dooda xuquuqda insaanka kuwaasoo ku aadan in halis ay ka dhalan karto xiligan in dalka laga masaafuriyo qaxooti magangalyo waydiistay dal horay u saxiixay xeerka caalamiga ee qaxootiga  aduunka,

Source: politiken