Jacob Zuma oo loogu baaqay inuu xilka ka dego

Saraakiil sarsare oo ka mid ah xisbiga haya tallada dalka dalka Koonfur Afrika ee ANC ayaa ugu baaqay Madaxweynaha dalkaasi in uu isku casilo si deg deg ah.

Waxa ay sheegeen in Madaxweyne Jacob Zuma  uu wajahaayo eedeymo dhanka musuqmaasuqa ah, islamarkaana bilihii lasoo dhaafay uu xoogeystay Musuqmaasuqa dalkaasi.

Dacwad oogayaasha dalka Kooonfur Afrika ayaa haatan u muuqda inay baaritaan ku hayaan eedeymaha musuqmaasuq ee la sheegay inuu ku lug leeyahay madaxweyne Zuma iyo qaar ka mid ah saaxiibadiisa aadka ugu dhow.

Siyaasiyiin badan oo ku jira xisbiga ANC ayaa doonaya inuu madaxweynuhu si degdeg ah xilka uga dego, si ay diirrada u saaraan dib u hagaajinta sumcada xisbiga ka hor doorashooyinka sanadka soo socda.

Madaxweyne Zuma ayaa haatan wali haya jagada madaxweyne. Balse tan iyo bishii diseember ee sanadkii lasoo dhaafay xiligaasi oo xisbiga ANC hogaamiye cusub loo doortay ayaa waxaa meesha ka baxay xiriirkii Zuma uu la lahaa xisbiga ANC.