Jabhab Islaami ah ku dhawaaqday in ay burburtay

Urur islaami ah oo lagu magacaabo Anzar-Alshariica oo inta badan ka dagaalamayay Magaalada Banghazi ee bariga dalka Libya ayaa burburtay.

Ururkaasi ka tirsan maleeshiyaadka Islaamiga ah ee ka dagaalama gudaha waddanka Liibiya ayaa Mareykanku horay ugu eedeeyay inuu ka dambeeyeen weerrarkii 2012-kii lagu qaaday howlgalka Amerikaanka ee Benghazi.

Bayaan uu soo saaray ururkaasi ayuu ku sheegay in khasaare weyn uu kasoo gaaray dagaaladda, isla markaana la laayay hogaankiisa.

Jabhaddaasi ayaa ugu baaqday ururrada Islaamiyiinta ah in ay u midoobaan dagaalka Benghazi.

Hogaamiyihii Ansar al-Shariica, Maxamed Azahawi, ayaa dabayaaqadii 2014 ku dhintay dagaal ay xooggagiisa Benghazi kula galeen ciidanka Jenaraal Khaliifa Xaftar.

Jenaraalka oo ka dagaallama bariga Liibiya, ayaa horraantii bishan qaaday duulaan uu Benghazi kaga xoraynayo xooggaga mintidiinta ah.

Qaar badan oo ka mid ah dagaalyahannada Ansar al-Shariica ayaa ku biiray ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah ee Liibiya.

Jabhadaasi ayaa markii ay dhacday dowladdii Qadaafi, waxa ay la wareegtay saldhigyadii ciidan ee ku yaallay Benghazi, waxaana ay ka dhigtay goobo lagu tababaro kumannaan dagaalyahan oo intooda badan markii dambe aaday Ciraaq iyo Suuriya.