Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay in ay dooneyso in ay dhexdhexaadiso dowladdaha Jabuuti iyo Eretriya oo uu ka dhaxeeyo dagaal Muddo socday.
Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in lasoo Afjaro Xiisadda jabuuti iyo Eratria.
Itoobiya waxa ay sheegtay in ay Codsi u dirtay dowladdaha Jabuuti iyo Eratria, islamarkaana ay u fidisay gogol Nabadeed.
Meles Alem Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa xaqiijiyay in warqado codsi ah ay u direen labada dal,si dowladda Itoobiya u dhamayso khilaafka dhinaca Sohdinta ah ee labada dal u dhaxeeya.
Meles Alem ayaa sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo in lasoo Afjaro Xiisadda oo Muddo dheer soo taagned.
Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in xukuumadda Asmara ay ka heysato dhul iyo Maxaabiis,islamarkaana aysan aqbali doonin waxwalba oo lagu taageeraayo Asmara.