Italy: Nin Soomaali ah Oo Isku day kufsi Ah lagu soo Eedeeyay

Mawaadin Somaliyed oo ku nool dalka Talyaaniga ayaa isku dayay inuu kufsado haweeney ku jirtay isbitaal si ay udhasho, sida ay shaaciyeen warbaahinta dalka Talyaaniga.

Wakaaladda Wararka Talyaaniga ee ANSA, ayaa sheegtay in mawaadinka Somaliyed oo 38 sano jir ah uu xaday dharka kalkaalisada isla markaana uu isku dayay inuu kufsado haweeney 43 sano jir ah oo ku jirtay qeybta Umulisada ee isbitaalka Roma.

Mawaadinka Somaliyed ayaa galay qeybta umulisada ee isbitaalka Sant’Eugenio Hospital halkaas oo haweeneyda ay ku foolaneysay isagoo kadib bilaabay inuu qabto haweeneyda.

Haweeneyda ayaa iska difaacday waxayna u yeertay kalkaalisooyinka isbitaalka oo qabtay ninka ilaa ay booliiska uga yimaadeen.