Waxaa mar kale is hor istaag lagu sameeayay amar uu soo saaray madaxweynaha mareykanka Donald Trump amarkaas ayaa waxaa is hortaagay xaakimka maxkamada San fransisco kaasoo kasoo horjeestay in dhaqaalaha federaalka laga jaro gobolada diida in ay xabsiga u taxabaan muhaajirinrinta aan sharciga lahayn si loo tarxiilo.
Amaraka Madaxweyne Trump ayaa muran ka dhaliyay guud ahaan dalka Maraykanka.
Garsoore William Orrick ayaa amarka Madaxweyne Trump uu saxiixay horaantii sannandkan ee la filayaya in uu ka dhaqan galo guud ahaan dalka Mareykanka ku tilmaamay waxba kama jiiraan, waxayna taasi sahashay in madaxda gobollada dalka Mareykanka
ay diidan cuna qabateynta lagu soo rogay magaalooyinka Mareykanka hadii aysan la shqeyneynin masuuliyiinta waxaad socdaalka.
Xukuumada Madaxweyne Trump ayaa ku boorisay maamulada gobolada in ay soo qabqabtaan dhamaan muhaajirinta galay fal dambiyeed si dib loogu celiyo dalalka ay ka soo jeedan, balse madaxada magaalooyinka waaweyn ee Mareykanka ayaa iyaguna dhankooda sheegay in aysan sharci daro ku xiri karin muhaajiriinta madaama dadkaasi lagu sii daayay daayay qaab damiin ah.
Xeer ilaaliyaha guud ee San Francisco, Dennis Herrera oo isagu soo dhaweeyay go’aanka maxkamada ayaa sheegay in tallaabadani ay tahay mid farriin u direysa xukuumadda madaxweyne Trump iyo Aqalka Cad.
Muhaajiriinta horay looga tarxiilay Mareykanka ayaa waxaa kamid ah boqolaal qof oo Soomaali ah kuwaas oo dib loogu celiyay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Dadkaaasi ayaa la sheegay in ay muddo ku xirnayeen dalka Mareykanka, waxaana kamid ahaa kuwa dembiyo ka geystay Mareykanka iyo kuwo waayay sharciyo ay ku sii joogaan dalkaas.
Sidoo kale Madaxweyne Trump ayaan looga baran inuu si fudud uga haro amarada layska hortaago asagoo markaana laga sugaayo inuu jawaab ka bixiyo is hortaagan lagu sameeyay amarkiisa.