Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ku eedeysay Qatar in ay ka dambeyso khilaafka Kala dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Dowladda Imaaraadka Carabta Anwar Maxamed Qarqaash oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay in Qatar ay gadaal ka riixayso arinta khilaafka, islamarkaana dhankooda ay isku dayayaan in ay xaliyaan wax walba oo jira.
Waxa uu sheegay in dowladda Imaaraadka Carabta ay ka go’antahay ilaalinta Midnimada Soomaaliya, dal ahaan iyo dad aaan.
Dhanka kale Wasiiru dowlaha ayaa mar kale ku celiyay in heshiiska Dekadda Berbera Somali-land,ay la geleen Dowladii Xasan Shiikh Maxamuud, islamarkaana ay wax ka ogaayeen Maamul goboleedyadda.