Ilmo ku dhashay Isbitaalka SOS ee Magaalada Muqdisho oo la xaday.

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in canug yar oo markaas la dhalay lagu xaday isbitaalka SOS ee magaalada Muqdisho.

Sida uu caddeeyay Aabaha dhalay ilmaha yar oo ahaa wiil, waxaa laga xaday Hooyadii dhashay Naciima Maxamed Maxamuud oo markaas hurdeysay, iyadoo dadkii la joogay ay xilligaasi u baxeen Salaadii Maqribka, kadibna la waayey markii la soo laabtay, ibaaritaan dheer kadib ayaa lagu guul darreystay in la helo ciddii ka dambeysay ee canugaasi yar xaday.

“Markii aan Xaafadda tagay oo aan rabay inaan cashadii qaado ayaa la isoo wacay waxaa la ii sheegay wiilkii in la qaatay waan soo cararray, Isbitaalka ayaan imid wax ku fiirinaayo & wax kuu jawaabaayo malahan, meelaha qaarna inaad gasho lama ogala, qolka dad badan ayaa joogay, laakiin gabar yar ayaa qolka dhex joogtay oo agteena joogtay; dadkana waxa ay u maleynayeen inay anaga nala joogtay. Waa qadar Alle, balse waxaan la yaabanahay dayaca Isbitaalka ku jira ee ilmo yar irida loogala baxay, waa Cunugii iigu horeeyay.” Ayuu yiri Aabe Mustaf.

Canuga yar ayaa la dhalay Khamiistii, sida uu sheegay Aabe Mustaf oo intaas ku datay inuu ahaa canugii ugu horeeyay ee qoyskooda, isla markaana hooyadii ay xaalad adag ku sugan tahay markii ay weysay canugeedii, isagoo baaq u diray dadka Soomaaliyeed inay ka caawiyaan arrintan.