IGAD oo shaqo joojin ku sameysay Col. Gabre

Urur goboleedka IGAD ayaa shaqo joojin ku sameeyay Korneel Gabre oo ka mid ahaa la taliyeyaasha Madaxda Urur goboleed IGAD Sidda ay lagu shaaciyay Warqad kasoo baxday Urur goboleedka IGAD.

Xoghayaha Guud ee IGAD Maxbuub Macalin ayaa sheegay in Gabre laga doonaayo in uu si deg deg ah u wareejiyo Wixii Waraaqo iyo qalab ah ee uu haayo.

Gabre ayaa kasoo jeedda dalka Itoobiya , waxaana dhowr jeer lagu eedeeyay in uu yahay nin ku dhexmilan Siyaasadda Soomaaliya.

Col GabreĀ  ayaa hadda laga joojiyay shaqadii La Taliyaha sare ee dhinaca siyaasadda Xoghayaha Guud ee IGAD.