Hooyo Soomaaliyeed oo canug Mucjisa ah ku dhashay isbitaal ku yaala Muqdisho(SAWIRRO)

Mid ka mid ah Isbitaalada magaalada Muqdisho waxaa xalay ku dhashay canug mucjiso ah, waxaa uu leeyahay labo madax iyo afar gacmood oo marka aad aragto waxaad moodaa mataano isku dhagan haddane qeybaha dhexe ee jirka ayuu iskaga dhaganyahay oo labo lugood iyo wax seyn u qaab eg ayuu leeyahay.

Canugaan yar ee Mucjisada ah waa uu nool yahay, wuuna ooynayaa, hooyadiisa waa lagu qalay kadib markii ay sida caadiga ah ay u dhali weyday oo muddo ay foolaneysay.

Aamino Xuseen Macoow oo ah ayeeyada canugaan yar ayaa Goobsan u sheegtay in arintaan ay tahay mid mucjiso ah isla markaana xilgaan uu soo wajahay dhibaatooyin kala duwan “mahaysan karno canugaan, guriga mageysan karo, dhaqaalo badan mahaysano, hadda ayaaba iska bixin la`anahay lacagta Isbitaalka aan ku jirno” sidaas waxaa yiri Aamino Xuseen.

Ayaan Maxamed Sheekh oo ah Hooyada dhashay ilmaha leh labada madax , afarta gacan , labada lugood iyo waxa seynta lamoodo ayaa Goobsan uga shekeysay sida ay ku dhashay iyo mudadda ay waday uurka intaba, waxayna tiri “sagaal bilood ayaan caloosha kuwaday sida caadiga ahba horay ayaan Computer isku saaray waxay ii sheegeen in aan wado ilmo mataano ah, canugaane waa da`ada labaad ee aan dhalo, midkii ka horeyna wuxuu ku dhashay si caadi ah”.

Waa mid kamid ah tusaalaha awooda Alle, waana dhacdo xanuun badan oo kamid ah kuwa muruga leh ee lagu arko caalamka , dalkeena Soomaaliya sidaan oo kale in hooyo ay dhasho ilmo leh labo madax , ama gacno iyo lugo ka badan inta caadiga ah ee aadanaha lagu yaqaano ayey dhowr jeer dhacday waxaana la tilmaamay in badi aysan sii noolaan ilmaha astaamahaasi leh, Culuumada diinta Islaamka ayaana ku tilmaamay in ay tahay arin mudan in lagu cibro qaadsho.