Hooyo si daran u dhaawacday wiilkeeda oo 8 bil jir ah

Wiil yar oo 8 bilood jir ah ayaa nasiib u yeeshay inuu sii noolaado ka dib marki ay hooyadiis 90 jeer maqas ku dhaawacday qeybo badan oo jirkiisa,
Arintan Ayaa timid kadib markii haweenaydani oo ku guda jirta waqtigii naas nuujinta uu wiilkeeda yari ka qaniinay Naaska.Haweenaydani oo ka carootay qaniinyada wiilkeeda ayaa dhaawacyo daran uga gaysatay qaybaha kore ee jirkiisa.
Wiilkan yarka oo lagu magacaabo Xiao Bao ayaa waxaa jirkiisa la tol tolay in ka badan 120 qodob. waxaana wali lala tacaalayaa xaaladiisa caafimaad,iyadoo haweenaydii falkaas gaystayna la soo taagayo Maxkamad si wax looga waydiiyo waxa ku kalifay inay dhibaatada intaas la’eg u gaysato ilmo ay dhashay. Sidoo kale waxaa socda baaritaan caafimaad oo la marsiiyay haweenaydani

Warbixintan oo lagu daabacay wargeyska Daily mail ayaa noqotay hadal haynta ugu badan ee gobolka Xuzhou ee bariga Shiinaha.