Hooyo dhashay 69 caruur ah

Gabadha adduunka ugu dhalamada badan ilaa xiligaan la joogo waa mid nooleed qarnigii 18-aad, waana xaaskii ugu horeeyey ee aslagii ruuska ee lagu magacaabi jiray Fyodor Dostoyevsky, waxayna u dhashay ilaa 69 cunug.
Islaantaan ayaa 4 Mataano ah dhashay afar jeer oo kala duwan, sidoo kale 3 mataano ah ayey dhashay 7 jeer oo kala duwan, halka ay laba mataano ah dhashay 16 jeer oo kala duwan taaso isku darkeedu uu noqonayo ilaa 69 cunug!.
Waxay islaantan dhalmo sameysay ama ay dhashay ilaa 27 mar, 16 jeer oo laba mataano ah, 4 jeer oo min afar mataano ah, 7 jeer oo min 3 mataano ah = 27.

Warbixintana hubaal waad la yaabi doontaa balse run ahaantii waa xaqiiq dhab ah waxaana xaqiijiyey dowladda ruushka qeybteeda dhalmada, waxaana laga reebay liiskaan tiradaan laba jeer oo ay min hal cunug dhashay kuwaasoo oo ahaa kuwa meyd ah.

Sida ay sheegtay The Gentleman”s Magazine sanadkii 1773, ninkaan loo dhalay Ilmahaan ayaa ahaa beeraley kaasoo 75 jir iyadoo xilligaas uu ku jiray qaab caafimaad wanaagsan leh.
Naagtii ugu horeysay oo uu guursaday ayey aheyd waxay ku dhashay 69 cunug, halka middiisa labaad ay iyadana u dhashay 18 cunug oo kala dhashay 8 jeer oo kala duwan, waxayna laba mataano ah dhashay 6 jeer halka ay 3 mataano ah dhashay 2 jeer.