Hindise sharciyeedkii caafimaadka Trump oo guuldarystay

Madaxweynaha Dowladda Mareykanka, Donald Trump, ayaa qeexay inuu la yaabay oo uu ka niyadjabay inuu burburay sharci la doonayay in lagu badelo adeega caafimaad ee Obamacare.

Xisbigiisa Jamhuuriga ayaa dib ula laabtay hindise sharciyeed ka hor inta uusan u codeyn Kongareeska Mareykanka, markaasi oo ay caddaatay in aanay haysan taageero ku filan oo lagu horgeeyo aqalka.

In meesha laga saaro adeegga caafimaad ee Obamacare ayaa waxa ay qeyb muhiim ah u aheyd ballanqaadyadii ololaha doorashada ee madaxweyne Trump.

Ugu danbeyntii, xisbigiisa Jamhuuriya ayaa dib ula laabtay hindise sharciyeedka, ka hor inta uusan u codeyn, iyadoo ay cadaatay inuusan heysan taageero.