Haweeneydi qasabka lagu guursaday oo 117 sano jirka ahayd oo geeriyootay (qiso iyo sawiro)

Emma Morano waa haweeneydi ugu da’da weyneed caalamka waxayna u dabaal degtay dhalashadeeda 117 sano ka hor inta aysan geeriyoon todobaadkan horaantiisa, haweeneydan ayaa lagu sheegaa inay ahayd dadki ugu dambeeyay ee nolol kusoo gaaro ayagoo dhashay 1899ki taasoo ka dhigtay haweeneyda ugu da’da badan caalamka waqtigii ay nooleed.

Emma Morano ayaa aaminsaneed inay tahay dadkii qarnigii 19aad taasoo sheegtay inay cunta ahaan u qaadan jirtay 2 ukun ama beedka ceyriinka ah maalin kasta.

Mar uu ka hadlaaye Silvia Marchionini oo maayar ka ah magaalada Verbania ayaa waxa uu yiri” waxay gaartay da’da heerkeedu sareeyo waxayna ahayd mid ku nool meesha  xeebta ah Lake Maggiore.

Emma Morano oo soo noolayd 117 sano iyo 137 maalin ayaa waxay dhalatay Nov. 29,1899ki waxay usoo joogtay waayo badan waxaana ka mid ahaa inay 3 wadan nolosheeda gaartay iyo inay 2 dagaal ee aduunka soo qaadatay iyo inay in ka badan 90 xukuumad ay isku badaleen wadanka Talyaaniga inta ay ku nooleed.

Haweeneydan ayaa tiri nolosheyda aad uma wanaagsaneen waxay u sheegtay wakaalada wararka ee Reuters Bishii November mar ay u dabaaldegeyse dhalashadeeda 117aad, waxayna tiri “waxaan ka shaqaynaaye warshad ilaa aan ka gaaro sanada 65 aad”.

Sidoo kale waxay tiri waxan ahaa qof nasiib u yeelan weyse ninkii ay guurka ku balameen kaasoo ay ku weyse dagaalki 1 aad ee aduunka kadibna waxay tiri waxan galay mugdi waxaa si qasab ah ii guursaday nin aan jeclayn kaasoo u sheegay inay guurkiisa aqbasho haddii kale uu dili doono, waxay tiri waan aqbalay guurkaas marki aan jiray 26 sano waana la aqal galay waliba guur aan ku faraxsaneen waxan u dhalay wiil kaasoo marki uu 6 bil jiray geeriyooday waxan kala tagnay ninkii qasabka igu guursaday sanadii 1938 waana waxii aan u arko inaan howl fiican qabtay intaan noolaa oona joogay Talyaaaniga.

Emma Morano waxaa la dhashay 8 wiil oo kuwaas oo mid ka mid ah uu asna ku geeriyooday sanada 102 sano, Takhtarka Emma ayaa u sheegay marki ugu horeyse uu arkay xataa inay caado u ahayd cunista ukunta ama beedka taasoo ilaa iyo hadda ay joogto u cunto 2 ukun oo ceyriin ah iyo 1 oo shiilan taasoo uu sheegay inay hadda kasoo yaraaneyso cunista ukunta ayadoo u sheegtay inay 3 xabo oo ukun ah oo la cunaa ay tahay xadi aad u badan.

Sidoo kale takhtarka ayaa laga soo xigtay Emma inaysan ahayn qof cunta khudaarta aysana dabeecad u lahayn cunista, waxaa kale oo la sheegay in magaalada Verbania ay ku  noolyihiin dad kale oo gaaraya 20 qof kuwaas oo  100 sano iyo wax aka badan jira jira waxaana laga soo xigtay hadalkaas gudoomiyaha magaaladaas Silvia Marchionini mar uu la hadlaaye wakaalada wararka ee Talyaaniga ee loo yaqaano AGI.

 

Diyaarintii Mohamed Jeesto