Haweeneyda Madaxweynaha ka ah dalka Myanmar oo Abaalmarin lagala laabtay (Sawirro)

Jaamacadda Oxford ee dalka Ingiriiska ayaa hoggaamiyaha dalka Myamar Aung San Suu Kyi kala noqotay abaalmarin sharafeed la siiyay haweenaydan sanadkii 1997-dii.

Golaha deegaanka magaalada Oxford ayaa cod aqlabiyad ah uga xayuubiyay abaalmarinta Suu Kyi sababtuna tahay sida ay indhaha isaga tirtay dhibaatada dadka muslimiinta Rohingya.

Suu Kyi ayaa markii hore abaalmarinta loo siiyay halgankeedii dimoqoraadiyadda, iyada oo sanado badan xabsi guri ku jirtay magaalada Rangoon ee caasimadda Myamar.

Magaalada Oxford ayay ku noolayd muddo dheer iyada iyo labadeeda wiil Kim iyo Alexander.
Jaamacadda Oxford ayaa guddoonsiisay abaalmarinta xornimada iyo waliba shahaado sharafeed.

Hadda waxa ay madax ka tahay dowladda rayidka ah ee Myamar, halkaas oo ay isbahaysi kula jirto militariga dalkaas oo awoodda inta badan wali gacanta ku haya.

Haweenaydan ayaa sidoo kale haysata abaalmarinta nabadda adduunka ee Nobelka loo yaqaano, waxaana jiray baaqyo ku saabsan in taasna lagala laabto.

Wax ka badan nus malyuun qof oo muslimiinta Rohingya ayaa u qaxay dalka Bangaladesh, kadib markii lagu qaaday weeraro inta badan lagu eedeeyey in ay ka dambeeyeen ciidamada dalkaas.