Haweeneyda Aduunka ugu dhuuban oo dardaaran u jeedisay Gabdhaha Caalamka (Sawiro)

Haweeneyda aduunka ugu dhuuban oo lagu magacaabo Valeria Levetina waa 39 jir culeeskeeduna 57.3 pounds oo u dhiganta 26Kg.

Haweeneydaan ayaa ahayd qof miisaankeedu meel dhexaad ahaa ayadoona ahayd qof soo jiidasho badan balse ayadau nafsad ahaanteeda ayay cuqdad ka qaaday hilibka qiyaasta ah ee saran taas badalkeedana ay doorbiday inay is caateyso ayadoo nafteeda cuntada si xad dhaaf ah uga jartay.

Waxaa la sheegay inay qudaarta ka fogaatay cuntana ay ka cuni jirtay  Rooti, cabitaana koob Kafeey ah maalinti oo dhan  in muddo ah ayay sidaa ku socotay ayadoo culeeskeedu is dhimay.

Hadda Valeria Levitin waa 26Kg waana Shaqsiga aduunka ugu dhuuban waxaana lumay guud ahaan quruxdii ay lahayd ayadoo isku bedeshay Qalfoof socota.

Qoyska Haweeneydan ayaa isku dayay inay caawiyaan balse wax waa laga qaban waayay xaaladeeda balse qoyska ayaa niyada ugu dhisa inay maalin uun dib u heli doonto Qaabkeedi wacnaa.

Valeria Levitina ayaa hadda ka qoomameysay inay lumisay dheeli tirnaanta jirkeeda ayadoona rajaynaysa inay dib u hesho culeeskii ka lumay.

Waxaa jira gabdho badan oo isagu jira kuwa Xayasiis sameeya iyo kuwa Telefishino soojeediye ka ah kuwaas oo aad u xiisaynaya inay mar uun dhimaan culeeskooda.

Haweeneydan ayaa booqatay dhowr wadan si ay gabdhaha uga digto inay xaaladooda wax ka badalaan kuna dhiira galisay inay naftooda ku kalsoonaadaan oo ay marnaba isku dayin inay is caateeyaan waliba jidkii ay Valeria nafteedu martay taas badalkeedana kula talisay jirdhis caadi ah inay sameeyaan halkii ay cuntada iyo cabida ay ka soomi lahaayeen.

SAWIRO