Haweeney loo qabtay dilka gabar 7 jir ah

Maamulka Galmudug ayaa gacanta kusoo dhigay haweenay la sheegay inay ka dambeysay dilka gabar yar oo 7 sano jir ah kaasoo loo adeegsaday midi.

Meydka gabartan yar ayaa waxaa ka muuqday gowrac taasoo ay aad uga naxeen dadka ku dhaqan magaalada cadaado ee xarunta KMG u ah maamulka Galmudug.

Maydka gabartaan ayaa laga helay meel banaan ah maqribnimadi xalay, sidoo kale waxaa jiray dad badan oo loo qabqabtay falkaas naxdinta leh.

Waxaana jiray tuhun gaar ah oo laga qabay haweenayda qiratay inay ayadu geysatay dilkan waxaana hadda lagu hayaa saldhiga booliska ee cadaado.