Haweenay Maxkamad loo soo taagay in ay nin kufsatay

Haweenay ku sugan gobolka Ohio ee dalka Maraykanka ayaa lagu soo oogay in ay kufsatay taksiile ka hor inta aysan lacag ka dhicin iyada iyo nin kale oo weheliyay, sida ay booliisku sheegeen.

Brittany Carter oo 23 jir ah ayaa lagu eedeeyay in ay galmo la samaysay darawal 29 jir ah arrintaasina ay dhacday iyadoo uu darawalka mindi cunaha kaga hayo Corey Jackson oo 20 jir ah oo iyada la socday.

Booliiska ayaa sheegay in ay ka dibna ka qaateen darawalkii 32 doolar oo uu watay ka hor inta aysan ka cararin goobta ay arrintaasi ka dhacday oo ku taalla magaalada Findlay,

Booliiska ayaa sheegay in aysan ogayn sababta ay arrintaas u samaysay.

“Maadaama oo ay dhici rabeen waxaa laga yaabaa in ay ka ahayd in ay dareenkiisa jeediyaan” ayuu yiri Robert Ring oo booliiska u hadlay.

Taacadigan ayaa dhacay ka dib markii ay Carter u wacatay taksiga shirkadda Trinity Express Cab Service saacadihii hore ee 28 bishii January, sida ay booliisku sheegeen.

Waxaa la soo xiray ka dib markii uu darawalku dhacdadan ku wargaliyay booliiska.

Carter ayaa hadda wajahaysa dacwado ay ka mid yihiin kufsi iyo dhac.

Source:- http://www.dailymail.co.uk/news/article-4398676/Woman-charged-raping-robbing-male-taxi-driver.html