Haween mataano ah oo u dhashay dalka Brazil laguna kala magacaabo Maria Pignaton Pontin iyo Paulina Pignaton Pandolfi ayaa u dabaal degay sanadguuradii 100-aad waxayna dabaal deg fiican la qaateen familkooda kuwaas oo xaflad heer sare ah loo dhigay.
Sawirqaade lagu magacaabo Camila Lima, oo 28 una dhalatay dallka Brazil ayaa ka codsatay ehelada haweenkan da’da ah inay kala qayb gasho xafladaan waana loo ogolaaday ayadoo si wanaagsan ugu hagar baxday haweenkan mataanha ah waxayna sheegtay inay ku qaadatay wakhti badan diyaarintooda dhanka labiska, hagaajinta timaha, qurxinta, iyo qaabka soo jiidashada leh ee ay sawirada iskula galayeen.
Camila Lima waxay sheegtay inaysan ku dhibsan sida ay ula shaqaynaysay wax walbana way ku raaceen ayagoo u niyad furan Lima Waxay tiri “waa dad waawayn waxaana wanaagsan in si jilcan loola dhaqmo xaqiiqdi wax walba way iga yeeleen oo ku saabsan sawirka waxaana ku mashquulsanaa sawirada aan ka qaaday muddo dhan 2 saac.”
Xafladaan waxaa kasoo qayb galay dadka ka faracmay labadan haween ee mataanaha ah ayadoo Maria Pignaton ubadka ay dhashay ay yihiin 5 iyo kuwa kale oo kasii faracmay ay yihiin 19, halka Paulina pignaton ubadka ay dhashay ay yihiin 6 halka 35 kalena ay yihiin faraca dambe.
Familkaan balaaran ayaa farxad ku dhamaystay xafladan ay haweenka 100 jirada ahi ay xafladda ku dhigteen.
Waxaa aad loogu mahadceliyay Sawirqaade Camila Lima oo qayb lixaad leh ka qaadatay naqshadeynta xafladaan iyo qaabeynta sawirada.
HALKAAN KA DAAWO SAWIRADA MATAANAHA 100 JIRADA AH
Haw