Halyeey Saxaafadeed, Qoraa, Macallin iyo Samafale Soomaaliyeed oo geeriyooday.

Cabdulqaaddir Maxamed Mursal, oo ku geeriyooday Mareykanku, wuxuu ahaa hal abuur, weriye, macallin iyo farshaxan. Allah ha u naxariistee. aan in badan wada shaqeynay, wax wada barannay, intii burburku jirayna aan marar bandan ku kulannay dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, wakhtiyada qaarna aan iska warqabnay. Sadarradan ayaan ku soo koobayaa qaar ka mid ah xusuusteyda mufakir Mursal.  

Mursal, 1982 ayaan fool-ka-fool isu aragnay, markii aan isku dufcad, casharrada qaar isla qaata, ka noqonnay Kulliyadda Luqadaha ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Maaddaama uu ahaa weriye caan ah, sannado badan oo xilligaas ka horreeyay ayaan magaciisa iyo codkiisaba aqaannay, hal abuurkiisuna uu i soo gaaray.

Macaamil toos ah waxaan yeelannay sannadkii xigay.

Cabdulqaadir M. Mursal ma ahayn sideyda oo kale nin markaas uun ka soo baxay Dusgi Sare ee soo dhammaystay sannad Shaqada Qaranka ah. Si uu Jaamacadda u dhigto, Mursal wuxuu wareejiyay xilkii uu u hayay Waaxda Idaacadaha ee Wasaaradda Warfaafinta. Waaxda waxaa hoos imaanayay Radio Muqdisho iyo Radio Hargeysa.

Mursal wuxuu ahaa Madaxa Radio Muqdisho.

Mursal wuxuu ahaa nin akhlaaq wanaagsan, af suubban, dadka aan ka daba shaqeyn oo ahlu diin ah.

Mursal wuxuu ahaa bulshay, xikmad badan oo aan isla weyni aqoon.

Wuxuu ahaa soo saare hal abuur sarreeya. Dareenkeeda bulshada dhug u leh kuna sargooya curintiisa. Taas oo keentay in aad loo xiiseeyo waxna laga barto soo saarkiisa.

Barnaamijyada Radio Muqdisho ee uu caan ku ahaa intooda bandanna maskaxdiisa ka soo maaxay waxaa ka mid ah Barnaamijka Daljir. Weriyayaal iyo ugu yaraan hal mas’uul oo Xoogga Dalka ka tirsan ayaa ka wada shaqeyn jiray. Sida magaciisa ka muuqata Barnaamijka waxaa lagu guubaabin jiray, wacyi lagula wadaagi jiray, iyaguna farriimo isku weydaarsan jiray halyeeyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee jiidda soohdinta iyo kuwa kaleba. Mursal wuxuu tegi jiray goobaha ciidanku ku sugan yahay si uu u soo wareysto, una fahmo xaaladda uu ku sugan yahay. 

Barnaamijka Dalmar oo uu hal abuurkiisa lahaa isagu, waxaa uu ku wajahnaa Soomaalida qurbaha ku nool. Iyaga ayuu dalka uga warrami jiray, wehel uga ahaa dal tabyada. Waayahooda, sheekeeyinkooda, salaamaha iyo hal abuurkoodana wuu soo bandhigi jiray.

Berigaas waxay Soomaalida qurbuhu ay u badnaayeen dalalka Khaliijka oo uu Sucuudigu ugu horreeyo iyo Afrikada Bari oo ay Kenya iyo Tanzania ay ugu Soomaali badan yihiin.

Waxaan sheeko ku hayaa in heesta caanka ah ee dadka qaar u yaqaan Dalxiis, qaar kalena ula baxay Burco daawo dacallada uu ku luuqeeyo Cabdulqaaddir – Jubba uu hal abuurkii tiriyay uu ahaa mid ka mid ah dhegeystayaasha Barnaamijka Dalmar ee uu Mursal soo saare jiray. Hal abuurku wuxuu erayada heesta u diray Barnaamijka. Cabdulqaaddir M. Mursal ayaana sabab u ahaa soo saarista heesta.

Heesta oo magaceeda rasmiga ahi uu yahay Hoygii Darajada, Cabdulqaaddir – Jubba ayaan maanta wax ka weydiiyay qisadeeda.

Wuxuu ii sheegay sidan:

Cali Jaamac Boqorre oo Biology ka dhigi jiray Lafoole ayaa u dhoofay Khaliijka. Halkaas ayuu ku dhegeysan jiray Radio Muqdisho. Isaga ayaa erayada tiriyay una soo diray Barnaamijka Dalmar.

Cabdulqaaddir Maxamed Mursal oo Barnaamijka ka ahaa soo saare, ahaana Madaxa Radio Muqdisho ayaa waxaa lagula taliyay in uu heesta u dhiibo nin dhallin yar oo markaa mar u dhow kaalinta koowaad ka galay heesaha hirgalay.

Goor subax ah ayaa waxaa ii yimid, Cabdi Salaad Qaareey, oo igu yiri Madaxa Radio Muqdisho ayaa ku doonaya oo ii soo kaa diray.

Markii aan Mursal u nimid wuxuu igu yiri Galabta oo Sabti ah, Axad iyo Isniin ayaad haystaa ee erayadan ma u sameyn kartaa naaxiyad? Ma saari kartaa miyuusig? Oo, ma duubi kartaa si ay Talaadada ugu baxdo Barnaamijka Dalmar?

Waan aqbalay, sameeyay, kana gaarsiiyay. Sidaa ayayna heestii ku hirgashay. Markiiba waa laga daba dhacay heesta. Qeyb weyn ayayna ku leedahay horumarka aan Fanka ka sameeyay.

Mursal, Allah ha u Naxariistee, waxaan u aqaan walaal iga weyn oo i soo gacan qabtay. Qeybna ku leh horumarkeyga Fanka.

Heesta oo ah mid dalkeenna aameneysaa waxay noqotay hees ay dhegeystayaasha idaacaddu aad u xiiseeyaan.

Beri dambe ayaan aniga lafteydu ku soo biiray Dalmar oo aan Mursal la soo saaray lana tebiyay. Waxaan xusuustaa in waraaqaha aan ka heli jirnay qurbuhu aanay ku koobnayn Khaliijka iyo East Africa ee xataa Yurub ay waraaqo naga soo gaari jireen.

Barnaamijyada kale ee caanka ahaa ee uu Mursal lahaa hal abuurkooda, waxaa ka mid ah Barnaamijka Subax Wanaagsan oo uu dalku ku soo toosi jiray.

Xikmad iyo laba, guubaabo, waano, dhiirri gelin iyo fan ayay ka heli jireen dhallinyarada waxbarashada iyo shaqada u soo toosay.

Barnaamijka Ma og Tahay? soo saare ayuu Mursal ka ahaa in muddo ah. Wuxuuna soo bandhigi jiray wax kaa yaabiya, aqoon kuu kordhiya ama kaa qosliya.

Mursal wuxuu ahaa hal abuurkii allifay sheekada Olol iyo Hooyadiis. Waxay ahayd sheeko jacayl ah oo ay jileen weriyayaasha Radio Muqdisho iyo qaar ka mid ah Hobollada Waaberi sida saaxiibkeey Axmed Inshaar oo jilayay Olol.

Waxay ahayd sheeko ay dhallinyaradu aad uga daba dhacday. Taxane waxay ahayd Jimcaha la soo daayo iyada oo la sugi la’ yahay.

Mursal kama mid ahayn ardayda deggan hoyga Jaamacadda. Haddana kama marneyn ka qeyb qaadashada nashaadka ardayda.

Xagga Sportiga, tartankii ugu horreyay ee Kulliyadda Luqaduhu ay safato tartanka cayaaraha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, waxaan ku guuleysannay shan koob oo isugu jira kaalinta koowaad iyo kaalinta labaad.

Cayaarta kama dambeysta ah ee kubbadda koleyga oo ahayd mid aad u adag oo daqiiqadba ay kooxi horreyso, waxaa isugu soo baxay Kulliyadda Luqadaha iyo Kulliyadda Jaalle Siyaad ee layliga saraakiisha oo loo oggolaa in ay safato tartanka cayaaraha Jaamacadda.

Waxaa u cayaarayay dhallinyaro loo tababbarayo Sarkaal Xoogga Dalka oo Madaxyo xiiran. Xusuusnow annagu berigaa waxaan nahay timo weyn.

Cayaarta waxaa lagu qabtay garoonka Lucino ee Degmada Cabdalcasiis. Aad ayay daawashadeeda u cammireen ardayda Jaamacadda, Ciidanka Xoogga iyo dadweyne fara badan.

Taageerayaasha labada dhinac waxay isku dareen sacab, sawaxan iyo heeso uu dhinac kastaa uu ku guubaabinayo kooxda uu taageersan yahay.

Tababbaraha Kooxda Ciidanka wuxuu magaciisu ahaa Dhuubow. Aad ayuu u  kululaaday. Mar kasta oo aan goolasha iska daba dhalinno wuxuu  codsanayay in cayaarta la joojiyo. Hadba talo iyo canaan ayuu isugu darayay kooxdiisa. Annagana wuxuu naga dilayay xaraaradda.

Mursal si deg deg ah ayuu u curiyay dhowr eray oo uu uga sii careysiinayo tababbare Dhuubow, kuna niyad jebinayo kooxda aan koobka ku loollameyno.

Intuu ardayda qabadsiiyay erayadaas, ayaa cod dheer lagu qaaday, oo lagu soo celceliyay.

Inkasta oo Dhuubow ahaa Sarkaal, Mursal wuxuu yiri:

Isbatoore Dhuubow,

Dhallinta Dhaqaaji,

Dhala weynayaashu,

Wax ma dhalin karaane.

Koobka annaga ayaa habeenkaas ku guulesannay. Ciidankuna waxay galeen Kaalinta Labaad.

Qalin jebin ka dib, Mursal wuxuu Bare-Kaaliye ka noqday Jaamacadda Ummadda.

Markii ay burburtay Dowladdii Soomaaliya, Mursal wuxuu isku daray saxaafad wacyi gelin ah iyo ka qeyb qaadashada Barnaamijyo wxabarasho iyo qaar gargaar ah oo in badan waxtar u lahaa Bulshada.

Wuxuu ahaa weriyihii curiyay, hirgeliyeyna halhayska “Dhegeystayaal, Saaxiibbayaal”.

Iyada oo aan dalka Dowladi ka jirin, Hoggaamiyayaal Kooxeed oo ciidan qabiil horboodaya uu qaarba dhinac haysto, magaaladana ay ka soo baxaan Wargeysyo fara badan, ayaan Muqdisho imid 1994. Dood ayaan weriyayaal u qabtay. Su’aalaha aan weydiiyay ayaa waxaa  ka mid ahayd in Saxaafadda Muqdisho lagu tilmaami karo xor?

Mursal oo ka mid ah weriyayaasha Barnaamijka ka qeyb qaadanayay wuxuu yiri, haddii in gaarigeyga aan qori ku rakibo, oo dariiqa aan doono aan ku maro ay tahay xorriyad, wargeysyada Muqdisho ka soo baxa iyaguna waa xor.

Inta aanuu u wareegin dalka Mareykanka, Mursal wuxuu sannado badan ka shaqeeyay Nairobi isaga oo ku howlanaa Saaxafad af Soomaali ku hadasha.

Markii iigu dambeysay Bishii January ee 2020 ayuu ila soo xiriiray. Wuxuu iiga tacsiyeeyay geerida walaalkeey Xasan Shiikh Cumar oo ka tirsanaa Xoogga Dalka oo ay Barnaamijka Daljir ay ka wada shaqeyn jireen. Wuxuu iga codsaday in aan u diro sawirka Xasan si uu maqaal uga qoro.

Wuxuu yiri:

Xasan waa ninkii ila bilaabay barnaamijkaas [Daljir], wuxuu ahaa nin akhlaaq badan, xushmad badan walibana aan wada shaqeynay. Sidaa darteed ugu yaraan waa inaan dhowr sadar ku xusaa qoraalka tacsideyda insha Allah.

Labadoodaba Allah ha u naxariisto.

Mursal wuxuu ku hadli jiray afaf shisheeye oo dhowr ah. Wuxuuna ahaa nin Af Soomaaligu ku xeel dheer. Wuxuuna lahaa xirfado dhowr ah oo ay ka mid yihiin sawir gacmeedka iyo sawirka rinjiga loo adeegsado ee painting loo yaqaan.

Geerida Cabdulqaadir Maxamed Mursal waxaan uga tacsiyeynayaa qoyskiisa, xaas iyo carruurba. Waxaa kale oo aan u tacsiyeynayaa Batuulo Maxamed Mursal oo aan iyadana Jaamacadda wada dhigannay iyo dhammaan qoyska reer Maxamed Mursal iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed.

Samir Allah ha idin siiyo.

Mursal, dad badan ayaa si toos ah iyo si dadban wax uga bartay.

Rabbi ha ugu bishaareeyo Jannada.

W/Q: Yusuf Garad Omar