Halkee ku dambeeyay ninkii caadeystay cunista hilibka dadka

Wararka la xariira hilibka aadanaha oo la cuno waa dhif iyo naadir in la maqlo meel laga caadeystay cunista hilibkaas hadaba nin sanadii 2014  ay qabteen Booliska, oo lagu magacaabo “Maxamed Caarif Cali” oo horay u qirtay inuu cuno bini’aadamka, ayaa waxaa soo sheegay deriskiisa, kadib markii ay gurigiisa ka uriyeen Hilibka Aadanaha.

Booliska ayaa sheegay in gurigiisa ay kasoo heleen Madaxa canug yar, qalfoofta aadanaha iyo haraadiga lagu yaqaano raqda.

Sidoo kale ninkaan ayaa cuna dadka dhinta ee la duugo, waxaana uu kala soo baxaa Qabriyada, Hadda waxa uu ku jiraa xabsi.

Qaanuun u gaar ah dadka cuna Bini’aadanka kama jiro dalka Pakistan, waxaana wali cabsi badan  iyo wal wal ay ka qabaan dadka reer pakistan in ninkaas oo kale uu wali bulshada ku dhex qarsanyahay.