Gudoomiyahii Baarlamaanka Itoobiya oo Isku Casilay Arrin Quseysa Dagaalkii Soomaalida……..

Guddoomiyaha oo lagu magacaabo Abadula Gemeda ayaa la sheegay inuu isku casilay sida ay Dowladda Federalka Ethiopia gacanta ugu dhigtay dagaalkii Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromadda bishii hore ku dhex maray Bariga dalkaasi.

Abadula Gemeda oo ka soo jeeda Qowmiyadda Oromadda ayaa is-casilay, waxayna Is-casilaadiisu ku soo beegantay iyadoo la filayo inay Xildhibaanadda Barlamaanka Ethiopia berrito Kalfadhigooda uga furmo magaalladda Addis Abeba.

Warka ku aadan Is-casilaadaasi waxaa markii ugu horreysay lagu soo daabacay Wargeyska The Addis Standard news, iyadoo Is-casilaadiisa ku sheegtay mid salka ku haya Tallaabadda ay Dowladda Dhexe ugu dirtay Ciiddanka Federalka si ay u joojiyaan Dagaalkii u dhexeeeyey Qowmiyadda Soomaalida iyo Oromada.

Iska horimaadkaasi waxaa lagu dilay ugu yaraan 50-qof, waxaana ku barakacay 160,000 oo qof oo labada dhinac ah.

Dhinaca kale, Guddoomiyihii Barlamaanka Ethiopia ee is-casilay, Abadula Gemeda waxa uu Xilkaasi qabtay sannadkii 2010-kii, iyadoo mar labaadna loo doortay sannadkii 2015-kii.

Waxa uu ahaan jirey Madaxweynihii Maamul-gobaleedka OROMIA, wuxuu kaloo mar soo noqday Wasiirka Difaaca ee Dowladda Federalka Ethiopia.