Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland ahna Xoghayaha Guud ee Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Shaafi Raabi Kaahin ayaa saacado lagu xiray garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, kaddib markii uu ka soo laabtay safar uu ku tagay Brussels, halkaasoo uu kaga qeyb galay shirkii Arrimaha Soomaaliya ee dhowaan lagu qabtay magaaladaas.
Wararka ayaa sheegaya in Mas’uuliyiinta Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Garoonka Muqdisho ay amreen in la xiro, kaddib markii shaki laga muujiyay qaabka uu ku qaatay iyo wadiiqadii uu u maray, waxaana la weydiiyay kaarkiisa aqoonsiga uu baasaboorka ku qaatay.
Mas’uuliyiin ka tirsan Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo Wasiirka Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Salaad ayaa si degdeg u soo farageliyay xaalada ka dhalatay xarigiisa, kuwaasoo wada hadalo kaddib ku guuleystay in la sii daayo.
Ilo ku dhow dhow garoonka diyaaradaha ayaa sheegaya in la sii daayay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland Mr Shaafi, kaddib markii Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ay keeneen caddeymo la sheegay in markii hore lagu siiyay Baasaboorka Diblomaasiga.
Baasaboorka Diblomaasiga ayaa ah baasaboor la siiyo Mas’uuliyiinta iyo diblomaasiyiinta dowladda.











