Gudoomiyaha Baarlamaanka Hir-shabeelle oo Gaaray Magaalada jowhar+Sawirro

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamul Goboleedka Hirshabelle iyo Wafdi Xildhibaano ah uu hogaaminaayay ayaa goordhaweyd gaaray Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulkaas.

Wafdigaan ayaa ka amba-baxay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya, waxaa hogaaminaya Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle Shiikh Cusmaan Barre.

Safarka wafdigaan wuxuu ahaa mid deg deg ah, maadaama Xildhibaanada Maamulka Hirshabelle ay aad ugu kacsan yihiin Madaxweyne Cali C/laahi Cosoble oo ay ku eedeeyeen In uu soo magacaabay wasiiro dhankiisa ka yimaaday.