Guddiga abaaraha oo soo saaray halka ay marayso xaalada abaaraha iyo natiijadii ka dhalatay

Xaaladda Abaaraha ee Dalka

Xaaladda abaaraha ee ka jirta dalka ayaa  ah mid  baahsan, safmar ah oo buuro, dul iyo bannaanba 637,000km laba jibaaran, taasoo ka dhalatay roobab kii la filaayay 4 tii xilli ee  la soo dhaafay  oo la waayay ama si fiican aanan u da’in. Abaarta  hadda ka jirta dalka waxay saamaynta   ugu badan  u geysatay xoolaha,  beeraha iyo dadka waxayna sababtay biyo la’aan baahsan.

Roobka Gu’a (April-June) hadii uu da’o, waxaa sedex bilood oo kale lasugaya gurashadiisa, hadii uusan da’in ama yaraado qatar intaan ka badan ayaa laga baqaya sidii 2011

Waxaa in kabadan 3,63,000 oo caruur ah nafaqa daro haystaa oo ay kamid yihiin 71,000 oo aad udaran
Waxaa macluul ay ku bilaabatay in kabadan 2.9 malyuun oo qofood
Waxaa 3.3 malyuun oo qofood ay cunta yaraan daran haysataa
Waxaa ay galaafatay 70% xoolo nooc walba leh
Waxaa deegaanada qaar Koonfurta Soomaaliya ka dilaacay daacuun calooleed ay ku geeriyoodeen ilaa iyo 1630 qofood
Waxaa guray wabigii  Shabeelle, haddana waxaa isna guri raba Jubba
Waxaa hoos u dhacay wax soo saarkii beeraha
Waxaa degaanadoodii ka barakacay 1.3 malyuun qofood oo hadda dul degan magoolooyinka waawayn
Isku celcelis waxaaa kaalmo u baahan in kabadan 6.2 malyuun qofood oo Soomaaliyeed
Natiijada ka dhalatay abaaraha

Dhimashada dadka oo bilaabatay cuduro iyo gaajo kadhalatay abaarta darteed
Dhimasho  xoolaha ku timid  calaf la’aan iyo  biyo la’aan darteed.
Cuduro  ku dhacay xoolaha
Barkacayaasha oo ku soo badanayo  Magaalooyink  waa wayn  sida;  Banadir,  Garoowe, Baydhabo,  Kismaayo, Beladwayne, Jowhar, Hargaysa, Cadaado, Gaalkacyo, Beledwayne iyo meela kale oo badan.
Dakhliga soo xerooday

Waxaa dowladda iyo dadkeedaba ku deqeen dhaqaale aanan ku filnayn baahida taagan oo aad u baaxadwayn owgeed  lacagtaas oo dhan  $1,318,492.34. Wuxuu Guddigu gaarsiiyay $935,000 Guddiyada Gurmadka Abaaraha ee Heer Deegaan iyo raashin.

Deeqaha la filaayo

Dowladda $9,935,840
Ganacsatada $3000,000
Dadwaynaha $1500,000
Qurba Joogta $7000,000
Wadarta guud ee lafilayo $21,435,840
Sidoo kale deeq bixiyayaasha iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka waxay wadaan dadaalo arrimaha abaaraha wax looga qabanaayo waxayna balan qadeen 482malyuun.