Greece: Rag ku eedeysan argagaxiso oo maanta Maxkamad la soo taagay

Maxkamad magaalada Athens ayaa maanta la soo taagay labo nin oo u dhashay dalka Sweden oo lagu tuhunsan yahay falal argagaxiso.

Raggaan ayaa lagu qabtay xadka u dhaxeeya Turkiga iyo Giriiga bishii Janaayo ee sanadkii la soo dhaafay, Waxaana markii la qabanayay boorsooyinkooda laga helay midiyo, dhar ciidan iyo lacaqo qalaad,

Booliska Giriiga ayaa sheegay in ragani ay ku sii jeedeen dalka suuriyay isla markaana ay damacsanaayeen inay ku biiraan kooxaha Argagaxisada ah ee ka dagaalama halkaas,

Eedaymaha loo soo jeediyay ragan ayaa gabi ahaanba iska diiday inay ku lug lahaayeen, Waxaana lagu wadaa in mar kale ay maxkamadu go’aan ka gaarto kiiska ragan,

©Goobsan  Media