Golihii wasiirada Hirshabelle oo la ansaxiyay iyo xildhibanaada qaar oo qilaafsan.

Kulan maanta ay yeesheen xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle ayaa waxaa lagu ansixiyay golaha wasiirada ee maamulka Hirshabeelle,

Waxaana sida la soo sheegayo kulankaasi markii hore Ka dhashay buuq, markii Xildhibaano qaar ay diideen in gacan taag loogu codeeyo Golaha Wasiirada

85 xildhibaan ayaa soo xaadirtey kulankan, iyadoo 71 ay ansixiyeen golaha wasiirada cusub, sida uu sheegay Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Shiikh Cismaan Maxamed Barre ayaa ku dhowaaqay in 71 xildhibaan ay ansixiyeen golaha wasiirada Hirshabeelle.
Dhinaca Kalana, Qaar ka mid ah Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa kulanka isaga baxay, kadib markii uu buuq ka dhashay qaabka codeynta mooshinka oo Guddoonka sheegay in gacanta loo taago.

Xildhibaanada qaar ayaa sheegay in mugdi uu ku jiro qaabka ansixinta oo aheyd mid gacan taag ah, isla markaana tirada joogtay kala bar ay ahaayeen xildhibaanada ka soo horjeeday Golaha Wasiirada in la ansixiyo.

 

Golaha wasiirada oo ka kooban 52 ruux oo isugu jira wasiiro,wasiir ku xigeeno iyo wasiiru dowlayaal ayaa 35 ka mid ah waxa ay yihin xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle.

Dhawaan ayaa Xildhibaanada Maamulka Hir-Shabeelle Ay Shaaciyeen iney Gudbiyeen Mooshin Ka dhan ah madaxweynaha Maamulkaasi Cali CabdulaahI Cosoble, Walow aan la ogeyn sidey u sharciyoobayaan Golahan Cusub ee Maanta la ansixiyay.