Golaha Aqalka Sare ee Mareekanka oo u codeeyay in Xayiraad la saaro Wadamada Ruushka iyo Iiraan

Golaha Aqalka Senateka ee Mareykanka ayaa u codeeyey cunna qabteyno cusub oo lagu soo rogo wadamada Ruushka, Iiraan iyo  Kuuriyada Waqooyi kuwaasi oo intabadan kala dhexeeya qilaaf dhinaca diplomaasiyadeed.

Balse go’aankaasi ayaa waxaa ka soo horjeeda aqalka cad ee Mareykanka, aqalka wakiilada ayaa hindisahaasi ansixiyay todobaadkan ayadoo cod aqlabiyed leh ay ku ansixiyeen arrintaasi waxaasi laga sugayaa in  Donal Trump uu xeer- Madaxweyne uu ku ansixiyo go’aankaasi.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa aaminsan xiriir uu kala dhexeeyo Ruusha, wuxuuna awood u leeyhaay in codka diidkada Qeyxan ee loo Yaqaano Vetoga uu saro qaraarkaasi cuna qabataynta ah.

Xayiraada lagu soo rogay dalka Ruushka ayaa salka ku haysa xisadaha siyaasadeed ee muddo soo jiitamayaya ee kataagan dalka Ukrain oo Ruushka lagu eedeynayo in uu ka dambeeyo.

Ansixinta qaraarkan ayaa imaanaya ayadoo ay socdaan  baaritaano lagu hayo suurta-galnimada in Ruushka uu ku lug lahaa faragelinta ololihii doorahsada ee Mareykanak sandkii 2016kii oo Donal Trump uu kaga guuleystay musharixii la tartamaysay ee Hillary Clinton.