Gobolka Uttar pradesh oo lagu soo rogay amar dad badan oo Muslimiin ah shaqo la’aan dhigay

Dowladda India oo amar dad badan ka yaabiyay soo saartay kaasoo ah in la xiro dukaamada hilibka lagu gado ee gobolka Uttar Pradesh taasoo sababtay in ganacsato iyo kawaanley badan ay ku shaqo beelaan.

Dadki kawaanleyda ahaa waxay caro xoogan u qaadeen wasiirka ugu sarreeya gobolka, Yogi Adityanath, oo ka soo horjeeda in la qalo ama la cuno Lo’da oo dadka diinta Hinduuga haysta ay u arkaan inay muqaddas tahay, iyadoo sidoo kale la xiray meelaha lagu iibiyo hilibka ariga iyo digaagga.

Amarkan ayaa saamayn badan ku yeeshay dadka muslimka ee ku dhaqan Gobolkaas waxayna ka cabanayaan in si cadaalad darro ah loo beegsaday xuquuqdoodiina loogu tuntay.

Arrintan ayaa daba socota ballanqaad uu sameeyey xisbiga BJP ka hor intii uusan ku guulaysan doorashooyinkii gobolkaas ka dhacay bishan.

 

Dadka uu amarkan saamaynta ku yeeshay waxay sheegeen inaysan awoodin inay iska bixiyaan qarashaadka aasaasiga ah sida biilka iyo waxyaabaha soo raaca.

ilaa iyo hadda ma muuqato wax laga qabtay xayiraadaas lagu soo rogay, Dowlada india walina uma dajin wax qorshe ah oo ay ku badali doonaan howlihii ay xanibaada kusoo rogtay.