Garoonka Diyaaradaha Dubai oo lagu diyaariyay meel Qof walba oo Musaafur ah Seexan karo (Sawiro)

Mas’uuliyiinta Garoonka Diyaaradaha Dubai ayaa sameeyay arin ay dad badan ku farxeen kadib markii Garoonkaas laga hirgaliyay dhismo laga sameeyay Teendhooyin yar yar kuwaas  oo lala ekeysiiyay hal qof waxaana loogu tala galay dadka Safraya oo Saacadaha Transit-ka ku ah Garoonka in ay sii seexdaan.

Teendhooyinkan ayaa si heer sare ah loo diyaariyay waana Teendhooyin casri ah kuwaas oo lagu diyaariyay meel barxad ah waxayna isku wada hayaan dhinacyada ayadoona lambaro loo wada yeelay.

Teendhooyinkan ayaa loo bixiyay “Sleep and Fly” taasoo macnaheedu yahay hurdo iyo Duulimaad.

Sida lagu sheegay shabakadda wararka ee Al-Carabiya taandhooyinkani waxa ay u diyaarsan yihiin qaab qofka degaa uu raaxo badan iyo nasasho dareemayo, waxa aanay isugu jiraan kuwo qofka oo keliyi degi karo iyo kuwo qoyska iyo carruurta loogu talaya.

In kasta oo uu garoonka diyaaradaha ee Dubai leeyahay qayb hudheello nooca dabaqadda sare ah oo qofka u baahani degi karo, haddana waxa ay masuuliyiinta madaarku sheegeen in mashruuca ‘Sleep and Fly’ loogu talagalay dadka aan diyaarka u ahayn in ay hudheelladaas degaan oo inta badan lagu arko iyaga oo kuraastooda ku dul gam’ay ama meelo aan munaasab ahayn ku hurdoonaya xilliga ay diyaaradda sugayaan.

Inta badan safarada diyaaradaha ayaa ay dadka musaafiriintu daal iyo hurdo la’aan kala kulmaan, gaar ahaan marka ay diyaaraddu kula hakanayso garoomo ay saacado fadhiyeyso ama ay laba diyaaradood ku kala wareegayaan ee ay ku qasbanaanayaan in ay labada duulimaad dhexdooda madaarka gudihiisa saacado badan joogaan.

HALKAN KA DAAWO SAWIRADA