Galka Baarista, Xogta Qaraxii Xarunta Gobolka Banaadir.

Barnaamijka Galka Baarista waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay xogta Basiira Cabdi Maxamed oo ah gabadhii lagu eedeeyey inay fulisay qaraxii 24-kii July ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Waxa uu barnaamijka dib u raacayaa sooyaalka gabadhaas oo magaceeda dhabta ah uu yahay Maryam Cabdiraxmaan Muxumad Abiikar, sida ay shaqada uga heshay maamulka gobolka Banaadir iyo waxyaabaha la xiriirinaya kooxda Al-Shabaab.

©  Xuquuq VOA Somali