Gabar Naaska Caanaheeda ku daaweyso Aabaheed oo kansar qaba ( sawiro)

Jill Turner waa gabar u dhalatay dalka Britian waana hooyo leh caruur midka ugu yarna waa dhowr  bilood jir, Jill waxay degantahay Degmada Rugby waxayna usoo dhaqaaqday dhanka aabaheed deganyahay ayadoo dooneysa inay ku daweyso Caanaha Naaskeeda.

 

Aabaheeda, Fred Whitelaw oo 64-jir ah ayey caanaheeda subax kasta ugu dartaa Kafeyga, kadib, markii ay akhrisatay in Caanaha Naaska uu taageero ka geysanayo sidii loo dili lahaa Unugyada Kansarka.

Jill waxay hadda ku howlantahay taageerida aabaheed ayadoo subaxdii hore Kafayga ugu darta Caanaheeda  marna waxay ku quudisaa Canuugeeda yare e dhowrka bil jira.

 

Jill Turner oo ah Kalkaaliye Maamul u shaqeysa Hay’adda Adeegga Caafimaadka Qaranka “The National Health Services” ee  (NHS) ayaa sheegtay inay doonayso inay aabaheeda u caawiso si kasta oo ay awoodo,  isla markaana ay taasi ku dhalisay inay isaga siiso caanaha naaskeeda.

 

Waxay kaloo sheegtay in bishii September ee sannadkii hore in Aabaheeda lagu sameeyey daawayn lagu dilayo Unugyada Kansarka leh (the cancerous cells), laguna guuleysatay, inkastoo aan la wada burburin unugyadaasi.

 

Cilmi-baarayaasha Jaamacaddaha the University of Gothenburg and Lund University ee dalka Sweden waxay sannadkii 2010-kii sameeyeen Daraasaad u muuqatay in Caanaha naaska dili karaan Unugyada Kansarka, iyagoo aan wax u dhimin Unugyada kale.

 

Sida laga soo xigtay Wargeyska  Science Daily in caanaha naaska wax looga qaban karo unugyada burooyinka (Tumour cells), balse aysan weli suurtogelin in Aadanaha lagu tijaabiyo.

Jill Turner ayaana laga war helay inay hadaba ku dhaqaaqday inay ku daweyso caanaheeda aabaheed oo asagu Kansar la xanuunsan balse arintan ayaa u muuqata mid ay dooneyso Miss Jill inay ka war doonto oo ay ayadu tijaabiso cilmi baaristi sanado badan ka hor la sheegay.

Xigasho Daily mail

  Sawiro