Gabar 19 jir Muslim ah oo lagu sharfay inay qaadato dhalashada Canada (sawiro)

Ra’isalwasaaraha dalka Canada ayaa casuumay gabarta ugu da’da yar dadka aduunka caanka ka ah  gabartan oo lagu magacaabo Malala yousufszai waxay horay ugu guuleysatay abaal marinta qaaliga ah ee Nople Pece Prize sidoo kale waxay qayb ka tahay Q/midoobay ayadoo u qaabilsan ergayga nabadda si aan gambasho lahayn waxay ugu  ololeysaa waxbarashada gabdhaha iyo inay helaan waxbarasho kaamil ah ayadoona ku dhiira galisa inay waxbartaan.

Waxay kula dardaarantay rai’salwasaare Justin Trudeau inuu garab istaago gabdhaha waxbarashadooda xilna iska saaro waliba kuwa qaxootiga fiiro gaar ah u lahaadaan ayadoo ugu hambalyeysay kaalmaha ay Canada ka qaadato qaxootiga mar ay hadleyse Malala waxaay tiri “sida qof walba ogyahay waxaan garab taaganahay waxbarashada gabdhaha waxaana doonayaa inay helaan waxbarasho dhab ah iyo tacliin sare waxaan ogsoonahay sida aan u garab taaganahay maanta si la mid ah ayay ayakaba ii garab taagnaan lahaayeen hadaba waxaan ka codsanayaa in fursadaha waxbarashada gabdhaha la balaariyo sanad walba”.

Waxay kaloo ka codsatay in Dalka Canada uu marti galiyo kulanka soo socda ee looga hadli doono waxbarashada aduunka kaasoo ay heegan u yihiin kaliya wadamada horumaray waxayna rabtaa inay isagu yeerto kuwa hurmuudka u ah waxbarashada si ay dhaqaale ugu raadiso barnaamijkeeda gabdhaha ere aada iskuulka loogu magic daray. Malala yousufzai waa 19 jir waxayna arbacadii oo shalay ahayd gaartay magaalada Ottawa waxayna aqbashay inay qaadato dhalashada wadanka Canada taasoo lagu sharfay waxaana aqbali doona baarlamaanka Canada yadoo noqon doonto qofkii 6aad ee lagu sharfo waana qoftii ugu da’da yareed oo qaadata.

Justin Trudeau ayaa bartiisa facebook kusoo qoray waxaan hubin doonaa in dhamaan caruurta ay aadaan iskuulada hadal wayn ayay nagula hadashay Malala kaasoo  ah sidii aan si wada jir ah uga shaqayn lahayn inaan guul ka gaarno waxbarashada si isku mid ah gabdho iyo wiilalba.

Waad ku mahadsantahay Malala erayada  dhiira galinta leh ee aad nagula hadashay waxaana sharaf noo ah inaan kugu marti galino wadankeena taasoo aan rajaynayo adigaba inaad nagu marti galin lahayd.