Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 04 October 2017 gudoosiiyey shahaado sharaf iyo abaalmarin kale ciidamo ka tirsan Booliska gobolka Bari iyo PMPF ee cidamada badda Puntland, waxaana ay ciidanka ka koobnaayeen saraakiil, saraakiil xigeeno iyo dable oo tiradoodu dhammayd 64 askari.
Munasibadda abaalmarinta ciidanka oo ka dhacday Madaxtooyada Boosaaso ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso, Taliyaha ciidanka qalabka sida ee Puntland Sareeye Guud Saciid Maxamed Xirsi, Taliska qaybta gobolka Bari, saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska gobolkaasi iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horayn hambalyo iyo bogaadin usoo jeediyey ciidanka qalabka sida ee dawladda Puntland meel kastay joogaanba, waxaana uu sheegay Madaxweynuhu in maanta ciidamada la gudoosiinayo abaalmarintani ay yihiin kuwo hawlgalo gaara ka fuliyey xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso.
”Xafladdani waxay si gaara u khusaysaa dadkii qabtay fal-denbiyeedkii ay soo abaabuleen sharwadayaashu ee ahaa qaraxyadii loosoo abaabuley dadka reer Puntland in lagu laayo, gaar ahaan shacabka Boosaaso, ciidankii ka hortegey qabtay ku guulaystey weeye munaasibaddani, taas micneheedu ma aha labadan ciidan ee meesha joogaa inay kuwa kale ka hawl karsanaayeen ama ay ka hawl badan yihiin” ayuu yiri Madaxweyuhu.
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in ciidamada Puntland markasta u diyaarsan yihiin ka hortagga iyo la dagaalanka cadawgooda, in badan oo ka midda ciidamada qalabka sida ee Puntlandna ay saacaddan la joogo ku jiraan hawlgallo lagu sugayo amniga iyo xasiloonida dalkooda.
“Ciidamada Puntland nooc kastay doonaan ha noqdeene waxay ku hawlan yihiin ka hortagga iyo ladagaalanka cadawga, in badan oo meeshan aan joogin oo hadda hawl kujira saacaddan aan joogno oo ku hawlan illaalinta iyo difaaca Puntland weeye dhammaantod” Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Ugu danbayn, Madaxeynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xusay inuu jirey sarkaal u huray naftiisa isagoo difaacaya dadkiisa iyo dalkiisaba, kuna waayey naftiisa qarax ay Al-shabaab ugu tala galeen inay ku waxyeeleeyaan shacabka Boosaaso, waxaana uu Madaxweynuhu uga tacsiyeeyay eheladi, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay sarkaal kaasi, Allena ‘SWC’ waxa uu u weydiiyey inuu u naxariisto marxuunka, qabrigana u waasiciyo.















