France: Lix ka mid ah Shaqaalaha Dab damiska oo kufsaday Gabar Ardayad Norwegian-ah.

Lix ka mid ah Shaqaalaha dab damiska Magaalada Paris ee dalka faransiiska ayaa fadeexad la soo daristay kadib markii lagu soo oogay inay fal kufisi ah kula kaceen gabar Ardayad ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Norway,

Falkan ayaa dhacay kadib markii Gabadhan ay timid saldhiga dab damiska ee dagmada 14 aad Koonfurta Magaalada Paris, halkaas oo ay balan kula lahayd saaxiibkeed ay sheeko wadaag ahaayeen.

Gabadhan ayaa Xeer ilaalinta u sheegtay in saaxiibkeed oo ka tirsanaa shaqaalaha ay heshiis ku ahaayeen inay Galmo dhax marto hase yeeshee saaxiibadiis oo ay shaqo wadaag ahaayeen ay si qasab ah ugu galmoodeen.

Raga falkan kufsiga ah geystay oo da’doodu u dhaxayso 23 jir ilaa iyo 35 jir ayaa la filayaa inay dhawaan ka soo muuqan doonaan maxkamad si loogu ciqaabo danbiga ay sameeyeen.

Kiiskan dacwad ah ayaa noqday fadeexad xun oo la soo foodsaartay shaqaalaha waaxda dab damiska,

Bishii February ee sanadkan ayay ahayd markii labo sargaal oo ka mid ah Booliska lagu soo eedeeyay inay fal kufsi ah ay u geysteen Haweeney dalxiise ah oo u dhalatay dalka Canada, kuwaas oo maxkamadu ku xukuntay 7 sanadood oo xarig ah.

Source: The Local.

© Goobsan Media Inc.