Madaxweynaha Faransiiska Macron ayaa shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed waxa uu ku sheegay in dowladiisu ay ka caawineyso Ethiopia inay dhisato ciidamada badda.
Labada dowladood ayaa sidoo kale ku heshiiyay inay yeeshaan ganacsi iyo xiriir wanaagsan, waxana ay dowlada Faransiiska ugu deeqday dowlada Ethiopia lacag gaareysa boqol malyan oo Euro.
Ciidamada dalka Ethiopia ayaa burburay sanadkii 1991kii kadib markii uu ka go’ay dalka Eritrea wadanka Ethiopia. Hase yeeshee waxa uu dhowaan sheegay ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed inuu dhisi doono ciidamada Badda.
Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa booqasho afar maalmood ah ku jooga wadamo ku yaal Geeska Afrika.
Booqashada Madaxweyne Macron uu ku joogo qaarada Afrika ayaa waxa uu lugtii ugu horeysay ku tegey dalka Jabuuti waxaana lagu wadaa in uu booqdo dalka Kenya.