Fanaan wayn oo caan ka ah aduunka oo aadaanka salaada wax ka sheegay

Fanaanka caanka ah ee Sonu Nigam ayaa bartiisa Twitterka kusoo qoray hadalo uu ku dhaliilayo aadaanka salaada subax asagoo sheegay qof walba inuu maankiisa ka hadlo ayaa waxa uu yiri ani ahaanteyda “waxaan kasoo horjeedaa in loo adeegsado makarafoon masaajida iyo goobaha kale ee cibaadada ma ihi muslim subax walbana waxan ku kacaa aadaanka dowladda Hindiya goormee ka dhamaaneysaa diintan la isku cadaadinayo”.

waxa uu intaas sii raaciye wakhtigii Nebi Muxamed (NNKH, asagu kuma saline anaka ayaa ku salinay) ma jirin Makarafoon ama waxyaabo ku shaqeeya koronto marka maxay dadkaan noogu dhibayaan aalad makarafoon ah ee uu soo hindisay ninka lagu magacaabo Edison.

Intaas waxii ka dambeeyay waxaa sii batay nacaybka loo qabo Fanaankan Sonu Nigam kaasoo dad badan oo Islaam ah ay fankiisa taageeri jireen isla markaana asxaab badan uu ku lahaa bulshada islaamka ay su’aal geliyeen saaxiibtinimada Sonu Nigam.