Wadamo badan oo Islaam ah ayaa xariirka u jaray dowladda Boqortooyada Qadar, wadamada xariirka u jaray ayaa waxaa kamid ah Sacuudi Carabiya, Masar, Baxrayn iyo Isutagga Imaaraadka Carabta wadamadan ayaa dhamaan u jaray xiriirkii dublamaasi ee u dhaxeeyay ayaga iyo Qadar.
Wadamadan ayaa ku eedeeyay Qadar in ay daganaansho la’aan ka wado gobolka isla markaana ay taageero siiso qolyaha argagaxisada.
Wakaaladda wararka ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay dawladda Sacuudigu ay ka xiratay xadkeeda dawladda Qadar ayna arrintaasi saamaynayso dhammaan dhammaan isu socodkii dhulka, biyaha iyo hawadaba.
Wakaaladdu waxay soo xigay saraakiil Sacuudiyaan ah oo sheegaya in ay arintaasi u samaynayaan sidii ay amniga dalka u sugi lahaayeen ayna isaga ilaalin lahaayeen qatarta ka imaanaysa argagaxisada.
Masar ayaa sidoo kale sheegtay in ay dhammaaan Isku socodkii Qadar kala dhaxeeyay ay joojisay dhan walba Hawada iyo Biyahaba arintaasna waxaa xaqiijiyay Wasaaradda Arimaha dibedda ee Masar.
Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa asna tilaabo kale qaaday taasoo uu waqti ugu qabtay in dublamaasiyiinta Qadar ay dalkooda kaga baxaan 48 saac gudahood arintaan ayay u cuskadeen Imaaraatku in ay Dowladda Qadar Maalgaliso argagixisada, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dawladda ee WAM.
Wakaaladda wararka ee Baxrayn ayaa sheegtay in dalkoodu uu calaaqaadka u jarayo Qadar sababtuna ay tahay in ay carqaladayn ku hayso ammaanka iyo daganaanshaha Baxrayn ayna fowdo ka waday dalka.
Dalalkaasi waxay Qadar ku eedeeyeen in ay taageerto ururrada argagixisada oo uu ka mid yahay midka Akhwaanul Muslimiin.
Dowladda Qadar ilaa iyo hadda kama aysan hadlin xaalada siyaasadeed ee ka aloosan Mandiqada Carabta.